Home wararka Dalka Dhibaato soo wajahday Shirka uu Farmaajo iskugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada..

Dhibaato soo wajahday Shirka uu Farmaajo iskugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada..

0
SHARE

Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ineysan ka qeyb galaynin shirka uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray madaxweynaha Somalia 18ka bishan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka Wasiirka  Qorsheynta ee Maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirse ayaa si kooban ugu hadlay Shirka golaha Amniga Qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aadan Aw-Xirse ayaa sheegay inaysan Jubballand ka qeyb gali doonin shirka golaha amniga ee bishan dhexdeeda ka furmaya Magaalada Muqdisho, isla markaana lagu casuumay dhamaan madaxda Maamul gobaleedyada.

Talaabadan ayaa caqabad ku noqoneysa dedaalkii uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayey inuu ku qanciyo madaxda dowlad goboleedyada dalka oo eedeymo culus u jeediyey dowlada dhexe ka don shir ugu dhamaaday magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here