Home Wararka Maanta Deg Deg: Qarax iyo Weerar toos ah oo Lagu Qaaday Maqaayad Ku...

Deg Deg: Qarax iyo Weerar toos ah oo Lagu Qaaday Maqaayad Ku Taala Liido

0

Waxaa goordhaw qarax loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin uu ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oon la ogeyn cida rideysa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay aaga hotel kuyaala xeebta Liido, waxaana wali la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada ammaanka, lamana oga in qaraxa kadib in kooxo hubeesan halkaasi weerar ka fuliyeen.

Dadkii ku sugnaa aaga qaraxa ka dhacay iyo hoteelo kuyaala xeebta Liido ayaa lagu kala cararay , waxaana xeebta Liido xilligan ka jira xaalad jahwareer ah , ciidamo badan oo katirsan kuwa ammaanka ayaan goobta gaaray.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Ad
Previous article8 Xildhibaàn oo Maantay Lagu Doortay Ceelwaaq(Akhriso Magacyadooda)
Next articleJadwalka Hadal Jeedinta Musharixiinta Gudoomiyaasha Labada Aqal oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here