Home Wararka Somaliya Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Caawa iyo Halka ay kala joogaan...

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Caawa iyo Halka ay kala joogaan labada Dhinac

0

Dagaal ayaa maalintii Saddexaad ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa Galmudug iyo kooxda Ahlu suna.

Sida wararku sheegayaan dagaalku xooggiisa ayaa ka socdaa aaga Jaamacadda oo ay qayb ka mid ah gaadiidka iyo dagaalyahanada Ahlusunna banaanka uga soo baxeen, iyagoo isku dayaya inay helaan tab ay kaga bixi karaan go’doominta saaran.

Ciidamada huwanta ayaa dowlada jaray tubbooyinkii biyaha gaarsinayey xarunta Jaamacada oo  si ay ugu qasbaan iney is dhiibaan kooxda ahlu suna ee halkaas ka dagaalamaysa.

Xubno ku dhow Maamulka Galmudug ayaa sheegay in sababta aaga Jaamacada looga saari la yahay ahlu suna ay tahay, iyadoo uu halkaas ku jiro Shiikh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ahlu suna.

Ugu yaraan 100 qof oo u badan labada dhinac ayaa ku dhintay dagaalka maalintii 3aad ka socda Guriceel, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka lagu dilay dagaalka ka mid ah saraakiil caan ah.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa degan Marka laga reebo aaga Jaamacadda oo dagaalku ka socdo, waxaana weli ka maqan Magaalada inta badan dadkii ku noolaa oo u barakacay tuulooyinka fog.

Ad
Previous articleFiqi oo isbarbar-dhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya Qoorqoor iyo Deni
Next articleMusharaxiinta oo ku kala qeyb samay ka hadalka Dagaalka Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here