Home wararka Dalka Akhriso Faah Faahinta Qaraxii ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho oo lala...

Akhriso Faah Faahinta Qaraxii ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho oo lala eegtay.

0
SHARE

Ugu yaraan 8 ruux ayaa dhimatay, in ka badan 10 kalana way ku dhaawacantay qarax loo adeegsaday baabuur Toyota Surf, oo lagu weeraray xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho saaka oo Isniin ah, sida ay sheegeen booliska iyo kooxda gurmadka deg degga.

Xafiisyadii waaxyaha Maamulka Degmada Hodan, masjid iyo dhowr guri oo ku dhowaa ayaa burburay.

Dad goobta tagay iyo booliska qaraxyada faalleeya waxay qireen in qaraxa saaka uu ka xajmi iyo tayo badnaa qaraxii 2da bishan lagu weeraray Xaruntii Degmada Hawlwadag oo iyaduna burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here