Home Wararka Maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo shaacisay tirada dadka Faransiiska ee lagu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo shaacisay tirada dadka Faransiiska ee lagu dilay weerarkii kooxda Xamaas

0

Dagaalyahannada Xamaas ayaa weerarkii 7-dii bishan October ku qaadeen dhulka Israel xoogga ku heysato ku laysay dad badan oo u dhashay Israel iyo kuwa kale oo ajaaniib ah oo kasoo kala jeedo waddamo kala duwan.

Dadka Xamaas weerarka ku dishay iyo kuwa ay ku afduubteen waxaa ku jira muwaadiniin heesta dhalashada dalka Faransiiska, waxaana dadkaasi laga qafaashay gudaha Israel ay ku sugnaayeen xilliga weerarka uu dhacayay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Faransiiska qoraal kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka Faransiiska ee lagu dilay weerarkii kooxda Xamaas hadda gaareen 21-qof .

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay maqan yihiin 11-muwaadin oo Faransiiska u dhashay, kuwaa oo loo maleenayo in ay gacanta ugu jiraan kooxda Xamaas.

Dalal badan ayaa muwaadiniintooda ku la’ nolol iyo geeri, waxaana dadkaasi loo badinayaa in gacanta ku hayaan kooxda Xamaas, waxa ayna kooxdan horey u sheegeen dadka u afduubnaa qaarkood ku dhinteen duqeymaha Israel ka wado Gaza.

Ad
Previous articleErayadii ugu dambeeyay ee uu ku hadlay lix jirkan muslimka ah ee loo dilay dagaalka Xamaas iyo Israel
Next articleDowlada soomaaliya oo Banaanka Soo dhigtay Mowqifkeeda Dagaalka Qaza Baaq Culusna Dirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here