Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta safaro uga baxaya...

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta safaro uga baxaya Muqdisho

0

Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho safaro shaqo ugu kala baxaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi ka socda qabanqaabadii ugu dambeesay ee soo dhaweynta Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa u tagaya magaalada Garawe sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxweynaha maamulkaasi oon la dhacsaneyn xilligan hab maamulka madaxweynaha iyo sidoo kale xukuumadda, saluugna ka qaba sida loo dhisay xukuumadda cusub.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isna lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uga baxo magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kusii jeeda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxa uuna halkaasi u tagayaa sidii u dhiiri galin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Ad
Previous articleDEG DEG: Qaraxyo Culus oo Gil Gilay Muqdisho Salaada Subax Kadib
Next articleCiidamada Dowlada oo laayay koox Ka Tirsan Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here