Home Wararka Somaliya Somaliland In hawadeeda ay ka celiso diyaarad ay Itoobiya leedahay, Soomaaliya waxay direysaa...

In hawadeeda ay ka celiso diyaarad ay Itoobiya leedahay, Soomaaliya waxay direysaa farriin xooggan oo ah in Somaliland aysan ahayn dal madax bannaan.

0

Dowladda federaalka ee Soomaaliya aya hawada dalkeeda maanta ka celisay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ee Ethiopian Airlines.

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya baxay diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, nuuceedana uu ahaa Dash 8-Q400 aysan wax rukhsad ah u haysan inay marto hawada Soomaaliya.

Duullimaadkan oo tirsigiisu ahaa ETH8273 ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradd ku sii jeeday magaalada Hargeysa islamarkana ay ahayd in ay Ruqsad ka haysato hay’adda dulista ka hor inta aysan hawada soo galin.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay wadday wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa.

Dhanka kale shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa xaqiijisay dhacdadani diyaaradda lagu celiyay.

Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay dhacdadani.

Sida uu sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesbi Tse diyaaraddii ka soo duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maaddaama la sheegay inaysan fasax ka heysan Soomaaliya.

“Diyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay, sababtoo ah markii uu duulista bilaabtay, waxaa jirtay su’aal ah in aanan oggolaansho ka haysan Soomaaliya” ayuu yiri.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Diyaaradda shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya oo duullimaadkeedu ahaa ET8372 ayaa abaaro 7:30 ka soo kacday magaalada Addis Ababa, balse markii ay soo gaartay magaalad Jigjiga ayay diyaaraddu mar kale dib ugu laabatay magaalada Addis ababa.

Sida ku cad macluumad lagu daabacay bogga lagala socdo duullimaadyada ee Flytradar24, maanta ayaa waxaa Soomaaliya u kicitimay 2 diyaaradood oo ay leedahy shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya.

Macluumaadkan ayaa muujinaya in diyaarad lambarkeedu ahaa ET372 oo si joogta ah uga dagi jirtay magaalada Hargeysa ay ka caga dhigatay garoonka Cigaal.

Maamulaha shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin diyaaradda ay soo celisay dowlada Soomaliya iyo dadka ay sidday.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys, ayaa BBC u sheegay in diyaaraddii ay la socdeen madaxda sarsare oo dowladda Itoobiya ka tirsan loo diiday inay ka degto Hargeysa.

Xeerarka caalamiga ah ee hawada ayaa dhigaya in duullimaadyadu ay fasax ka helaan dalalka ay sii maraan ama ka soo degayaan sida ay sheegtay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowladda Turkiga oo joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd
Next articleFahad Yaasiin oo Talooyin Cajiib ah usoo Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here