Home Wararka Maanta Waa Sidee Xaalada Degmadaan ka Tirsan Galmudug ee Shalay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

Waa Sidee Xaalada Degmadaan ka Tirsan Galmudug ee Shalay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa galay degmada Ceeldheer shalay oo Arbaco aheyd, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Ceeldheer oo saldhig muhiim ah u aheyd Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in si buuxda gacantooda ugu jirto degmada Ceeldheer, waxa ayna xuseen in ay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab sii wadayaan inta ay kooxdaasi ka saarayaan goobaha ay ka joogaan bariga Galgaduud.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa bilooyin kahor kasoo baxay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana degmadaasi dib gacantooda ugu gashay kooxda Al Shabaab oo horey sannado badan u heesatay.

 

Ad
Previous articleGaraad Jaamac Garaad Cali oo si Adag uga Hadlay doorashada Puntland
Next articleXutiyiinta Yeman oo Dhulka Geeyey Dhaqaalihii Israail kasoo Gali Jiray Badacas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here