Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada...

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada dal

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay weheliyaan wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kadib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Alshabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirada Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka ee Jabuuti, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.

Madaxweyne Ismaaciil oo sii joogi doona maalmo ayaa lagu wadaa in isaga, madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo dowladda Jabuuti ay Muqdisho ka dhistay.

Ad
Previous articleErik ten Hag oo amaan kula dul-dhacay laba ciyaartoy oo kooxdiisa ah kaddib guushii ay dib ugu furteen horyaalka Premier League
Next articleGolaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo Qodobada Qaar Diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here