Home wararka Dalka Dhageyso Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya oo ku dhex xanuunsanaya...

Dhageyso Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya oo ku dhex xanuunsanaya Xabsi Dhexdiidsa..

0
SHARE

27-kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ee Sanadkaan ayaa Ciidamada Federaalka Itoobiya waxa ay Xabsiga dhigeen Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,kadib eedeyn badan oo loo soo jeediyey.

Xilliga la xirayay ayaa waxa uu ku sugnaa Hotel uu ka deganaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,waxana haatan soo baxaya in uu Xabsiga ku dhex xanuunsaday.

Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu Magacaabo Diid Mahad Coloow ayaa ka codsatay Shacabka DDSI iyo cid kasta oo wax ka tabaneysa inay iska cafiyaan.

Waxa ay sheegtay in Wiilkeeda uu Gacanta ugu jiro cadaw,waxana Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqday inay gacan ku siiyaan sidii loosoo deyn lahaa.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayay ka codsatay in uu iska cafiyo maadaama uu xanuun sanayo.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here