Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Galmudug oo Cabud-waaq Kula Kulmay Masuuliyiin Iyo Waxgarad Kale :- Sawiro

Madaxweynaha Galmudug oo Cabud-waaq Kula Kulmay Masuuliyiin Iyo Waxgarad Kale :- Sawiro

0

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada cabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Gudoomiyaha Degmada, Gudoomiye ku xigeenka xubnaha Golaha deeganka, Odayaasha Golaha Guurtida, Guddiga Horumarinta Degmada, iyo Ganacsatada Degamada Cabudwaaq.

Madaxweynaha oo ayaa bulshada Degmada Cabudwaaq ku dhiirogeliyay la shaqeynta maamulka cusub ee degmada iyo guud ahaan ka qeyb qaadashada horumarka Degmada oo haatan yeelatay Gole deegaan iyo maamul ay doorteen.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay sida Bulshada Degmada Cabudwaaq oo isku duuban oo ula shaqeynayaan maamulka iyo Laamaha Amniga.

Ad
Previous articleCulimada Somaliland oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Laascaanood
Next articleSomaliland oo dagaalka Laascaanood ka socda ku eedaysay madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here