Home Wararka Maanta Taliye Ku Xigeenkii Hore ee NISA oo sheegay inay Xildhibaano dhawaan lasoo...

Taliye Ku Xigeenkii Hore ee NISA oo sheegay inay Xildhibaano dhawaan lasoo Dooratay is Qarxin Rabaan

0

Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.
Ad
Previous articleXildhibaano Farabadan oo Maantay Qaatay Shahadada Xildhibaanimo(Akhriso Magacyada+Sawiro)
Next articleWar Deg Deg Ah: Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashada iyo xaalada Siyaasadeed ee dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here