Home wararka Dalka Dhageyso Gaalkacyo Culumo iyo Waxgarad Sheegay in Awood ku qaadayaan Isbaarooyinka..

Dhageyso Gaalkacyo Culumo iyo Waxgarad Sheegay in Awood ku qaadayaan Isbaarooyinka..

3
SHARE

Culumada,Waxgaradka iyo Dhalinyarada ku nool koonfur Magalada Gaalkacyo ayaa Maanta bilaabay Socdaal ay ku doonayaan in lagu qaado kooxo maleeshiyad ah oo isbaarooyin soo dhigta Wadooyinka soo gala Magaalada.

Kadib markii ay dukadeen Salaadii Khudbada Jimacha ayaa socdalkooda waxa ay ku soo mareen goobihii ay maleeshiyaada dhigteen isbaarooyinka halkaas oo ay ku xyiran yihiin Gaadiid sida badeecooyin kala duwan.

Qaar ka mid ah Culumada iyo waxgaradka oo hadlay ayaa wax ay sheegeen in hadii maleeshiyaadkaas isbaarada ay dhigteen qaadi waayaan ay awood u adeegsan doonaan,isla markaana la dagaalami doonaan.

Waxa ay ka dalbadeen madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug inay waxka qabtaan maleeshiyaadka isbaarooynka soo dhigtay duleedka Gaalkacyo ee gaadiidka ka qaadaya lacagaha faraha badan.

halkan Hoose ka Dhageyso Codka Culumada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

  1. DADKA REER GAL MUDUG HADDII AY RABAAN NOLOL IYO NABAD IYO ROOB IYO BARWAAQO IYO KALA DAMBAYN SI FIICAN DIINTA ISLAAMKA IYO NABIGEENII MUXAMED HA REECEEN DARIIQIISII. HANA SOO QABTEEN KADIBNA DHAGAX NAFTA HALOOGA GOOYO NINKII NABINIMADA SHEEGTAY. WBT

  2. @Axmed Muuse

    Waa talo fiican in sunnadda nabiga la qaato, laguna Dhaqmo Diinteena suuban.. laakiin taladda ah in qof muslim ah la dilo maahan wax wanaagsan ( SAXNA MA AHAN). waxyaabaha iyo dacaayaddda internetka ku jiro oo umadda la rabo in lagu jah-wareeriyo laguna kala dilo, waa in si fiican la isaga fiirsho aana lagu deg degin waxyeeleynta iyo in si ka fiirsasho la’aan ah loogu xadgubo qof kale oo Muslim ah… Halkaasi waxay kaga qurux badneyn inaad u duceyso ka ( Axmed Muuse- ahaan ) Alle-na uga barido, mujtamaca ku dhiira geliso haddii ba ay ba jirto inuu jiro qof qaladkaasi galay… in uu Alle S.w.t ku hanuuniyo Wadadda Saxda ah.

  3. Aad bey ugu mahadsan yihiin ciidanka Booliska ee Galmudug sida ay uga jawaabeen cabashadda ka soo yeertay shacabka.. iyadoo ugu dambeyntii xaqiijiyeen ama ay ciidamddu hubiyeen ineysan jirin goobo (Wadooyin) xiran ama u xiran cid gaar ah, wadooyinkana magaaladda soo gala iyo kuwa ka baxana ay dhamaantood furan yihiin, Shacabka iyo Gaadiid-leydana ay isticmaali karaan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here