Home Wararka Maanta Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo Hooygiisa ku Booqday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud (Sawiro)

Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo Hooygiisa ku Booqday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud (Sawiro)

0

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliye K/xigeenka Booliska Jeneral Cisman Cabdullahi Maxamed Kaniif, Taliye K/Xigeenka CID-da Col. Dahir Maxamud Tuuryare iyo Afhayenka Police-ka Saadaq Aadan Cali ayaa Caawa kulan booqasho iyo Salaan ah ugu tegay Hoygiisa Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Hassan Sheikh Mohamud.

kulanka ayaa looga hadlay Doorka Police Soomaaliyeed ee Nabadda iyo is dhaxgalka Bulshada Soomaaliyeed.

Waxuu ahaa Kulan Xasaasi ah oo ku soo aaday xili Mirinaayada oo uu deganyahay Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud Laga qaaday Maanta Ciidamo farabadan oo ka soo Horjeestay Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Dhawaan shaaciyay in Gurigiisa ay weerareen Ciidamo ka Tirsan dowladda oo ka amar qaata Farmaajo, waxaana Caawa xalka ka dib salaan ugu tegay Saraakiisha Boliiska Soomaaliya

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo Wakiil Cusub usoo Magacaabay Soomaaliya
Next articleMadaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Kulan wada qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here