Home Wararka Maanta Dhageyso Boliiska Soomaaliyeed oo shacabka Muqdisho u diray Hanjabaad xoogan, ka dib...

Dhageyso Boliiska Soomaaliyeed oo shacabka Muqdisho u diray Hanjabaad xoogan, ka dib markii….

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shirka kadib lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay shirka amniga guud ee Caasimadda iyo sida wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegayin Dhalinyarada Ciyaal weerada ah ee mudooyinkii dambe dadka muqdisho dhibay ay isku badaleen Gaangis dadka dhaca , dhibaatooyin kala duwanna u gaysta .

Waxa uu  hadalkiisa intaas ku daray Afhayeenka in ay bilaabi doonaan howlgallo kadhan ah Ciyaal weerada iyo kuwa dadka dhaca ,dilalkana gaysta, isaaga oo waalidiinta dhalay ciyaal weerada uga digay in ay ka reebtaan weerada iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan .

Afhayeenka ayaa sheegay in cidii lagu qabto iyada oo weero kujirta ama dadka shacabka ah dhibaataynaysa ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, sidoo kalena ay beegsan doonaan Ciidamada dadka iibiya iyo kuwa Guryahooda lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in silamid ah ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka leh Moota Bajaajta ee ka ijaara dad ku dhibaataynaya dadka Shacabka ah hadii la soo qabto mootooyinkooda oo fal lagu fulinaayo.

 

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Si layaab leh oo Khiyaamay Kenya iyo Kenya Oo Ka Carootay
Next articleWar kasoo kordhay heshiskii qaadka Kenya ee Soomaaliya lagu fasixi rabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here