Home Wararka Somaliya Puntland Dowladda federaalka Soomaaliya oo billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari...

Dowladda federaalka Soomaaliya oo billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Villa Somalia ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso inay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida ay Mudug24 u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan, tallaabadan ayaa timid kadib markii ay Villa Somalia ay walaac ka muujisay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in la hakiyo hanaanka deyn cafinta dalka, oo meel wanaagsan maraya, illaa inta laga heshiinayo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

“Madaxweynaha (Xasan Sheekh Maxamuud) iyo Ra’iisul Wasaaraha (Xamza Cabdi Barre) ayaa bilaabay inay xiriir la sameeyaan dhinacyda kala duwan oo saameyn ku leh siyaasadda maamulkaasi (Puntland) si ay ugu kala dab qaadaan maamulka Deni iyo Villa Somalia,” ayey Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo muhiim ah.

Sida muuqata madaxda sare ee dalka ayaa raadinaya in si dhakhso ah u furmo wada-hadal ay labada dhinac ku gaaraan heshiis siyaasadeed lagu soo afjarayo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia.

Haddii ay tani dhacdo waxaa laga baaqsan doona in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo xilligaan maraya marxalad wanaagsan, balse laga cabsi qabo in khilaafka labada dhinac uu saameyn ku yeesho haddii uu sii socdo.

Puntland ayaa dhankeeda marar dhowr ah kor u sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladdafederaalka, balse lama oga inay aqbali doonaan dadaalada ay Villa Somalia ku dooneyso in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, oo heshiis looga gaaro khilaafka taagan.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli la rumeysan yahay in xiriirka Villa Somalia iyo maamulka Deni uu marayo heerkii ugu liitay, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay wada-shaqayntii labada heer dowladeed.

Ad
Previous articleSafaaradda Somalia ee Kenya oo jawaab ka bixisay Ganaaxii Lagu Riday Safaarada Soomaaliya ee Kenya
Next articleTaliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo Gaaray Galmudug Si Alshabaab looga Saaro Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here