Home Wararka Maanta WAR Deg Deg ah: Baarlamaanka Soomaaliya oo U yeeray Wasiirada Hakisay Shaqadii...

WAR Deg Deg ah: Baarlamaanka Soomaaliya oo U yeeray Wasiirada Hakisay Shaqadii Garoonka Muqdisho

0

Guddiga Gaadiidka, Garoomada, Dekedaha, Howlaha guud & Tamarta ee golaha Shacabka Faderaalka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka gaadiidka & Duulista hawada ee XF oo magaceeda lagu soo rogay amarada dhaqaale raadiska ah, si ay su`aalo uga weydiiyaan lacagta $9-ka dollar ah ee lagu dhibayo shacabka Soomaaliyeed ee ka baxaya garoonka Muqdisho oo kaliya.

Garoonka Muqdisho, waa halka kaliya ee aan lagu tagi karin baabuur ku gaar ah,si kasta oo aad u haysato, iyadoo Qandaraaskan u xiran yahay shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay, taas oo iyana aan la aqoonin sida ay mashruucan ku heshay, lana bixiyey mudo xileedkii hore ee MW Xassan Sheekh.

Waxaa maalintii labaad hakad ku jira duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab fara badan ku cadiban yihiin garoonka qeybta Local-ka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado 9 dollar.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Shirkad lagu magacaabo Hornlink ay la soo kordhiyay nidaam cusub oo amniga xogta rakaabka diyaaradda raacaya oo ay ka wada shaqeyanayaan Laamaha Amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka. Shirkaddan Hornlink oo Ganacsato leeyihiin ayay Wasaaradda Gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta Rakaabka raacaya diyaaradaha oo soo kordhisay system cusub oo lagu ogaanayo xogta rakaabka.

Ad
Previous articleGaroonka Diyaarada aadan cade oo Maalinkii Labaad Shaqaaqo ka Taagantahay
Next articleCiidamada Galmudug oo Wewrar Cukus ku Qaaday Alshabaab ku sugnaa Koonfurta Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here