Home ciyaaraha maanta Tartan Dhinaca Kubada Cagta oo Maanta Ka Furmay Dhuusamareeb, Lagu Faray Caasimada...

Tartan Dhinaca Kubada Cagta oo Maanta Ka Furmay Dhuusamareeb, Lagu Faray Caasimada iyo Cadaado (Sawiro)

0
SHARE

Ciyaar aad u adag ayaa galabta dhuusamareeb ku dhex martay Kooxaha u dheelayay labada Dagmo ee Dhuusamareeb iyo Cadaado

Tartan ka Dagmooyin ka Galmudug ee Dhuusamareeb ka furmay waxayna Labadan Kooxood iskula jiraan group A isku aadka Dagmooyin ka Tartamaya oo ah 10 Dagmo

Gudoomiyaha Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Mcln Nuur Cilmi cabdulle ayaa kooxaha u furay Tartan ka waxowna Amaan u jeediyey Kooxaha Tartan ka ka qayb galaya oo ah kuwo si weyn isugu diyaariyey Tartanka

Qaybtii hore ee Tartan ka ayaa Ciyaartooyda Ka socotay Cadaado waxa ay dhaliyeen gool aad u Qurux badan kaa oo soo jiitay indhaha Taageerayaasha iyo Madaxda kale ee Garoonka Joogay waxaana u dhaliyey ciyaar yahan ka xiran number ka 8 aad

Da’aal dheer kadib qaybtii dambe ee tartan ka ayay kooxda Dhuusamareeb ku guuleysatey in ay soo bareejeyso goolkii lagu lahaa iyadoo markaa kadibna ciyaartu isku Rogtay weerar iyo weerar celis

Kooxaha ayaa waqtigooda ku dhameestay isku day iyo da’daal inkastoo kulanku ku dhamaadey bareejo.

Garoon ka ayaa laga dareemayay Xamaasad aad u badan oo taageerayaashu muujinayeen kuwaa oo kala taageerayay Dhuusamareeb iyo Cadaado

27 waxaa dheeli doona Kooxaha Guriceel iyo Matabaan waana ciyaar aad loo sugayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here