Home Wararka Somaliya Galmudug oo sheegtay inay Go’doomiyeen 60 ka mid ah Shabaab

Galmudug oo sheegtay inay Go’doomiyeen 60 ka mid ah Shabaab

0

Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa war culus ka soo saaray Howlgalo xoogan oo ka soconaya Gobalka Mudug.

Howlgalkaan waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dowladda Soomaaliya, Wasiirka Amniga iyo Madaxweyne Qoor qoor.

Qoraal ka soobaxay Galmudug ayaa u qornaa sidaan.

” Ciidamada sooma-jeestayaasha huwanta ah ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso.

Aagagga kala duwan ee ciidamada huwanta ahi ay ka hawlgalayaan ayaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ayadoo kooxda argagixisada alshabaab uu soo gaaray khasaaro xooggan iyo kala firxad.

Wasiirka Amniga Md. Axmed Fiqi, taliyaha ciidamada lugta ah Gen. Biixi, taliyaasha ciidamada Qeybta 21aad ee XDS, NISA, Gorgor, Danab iyo daraawiishta ayaa dagaalka hogaaminaya ayadoo Madaxweyne Qoorqoor uu qolka hawlgelinta ka hagayo hawlgalkan.

Ad
Previous article(Sawiro) Gaarigii Qaraxa Lagu soo raray oo Maanta ku Qarxay bacaadweyn
Next articleSawiro Dheeraad Ah: Qaraxyada Lagu Aasay Gobolka Mudug ee la Fashiliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here