Home ciyaaraha maanta (Sawiro) Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir oo Maanta La daah furay, Iyo Difaacayaasha...

(Sawiro) Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir oo Maanta La daah furay, Iyo Difaacayaasha Koobkaan oo Guul ku Bilaabay.

0
SHARE

Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta Si Rasmi ah Looga Daah Furay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobalka Banaadir, oo sanadkaan Xiisa Badan.

Furitaanka Tartankaan Waxaa Maanta Lagu qabtay Garoonka K/cagta ee Banaadir Degmada C/casiis, Waxaana Daah Furay, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya, iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Furitaanka Tartankaan ayaa Lagu daah Furay Degmooyinka Waberi iyo Dharkenlay, Waxaana Lagu Soo Galay Garoonka Faanad lagu soo dhajiyay, Allaha unaxariistee Gool Hayihii Xilka qaranka Soomaaliya Axmed Macalin oo dhawaan Geeriyooda.

“Koobkaan Waxaa Difaacanaya oo sanadkii hore Qaaday, Degmada Waaberi, Waxayna maanta Ka ka badiyeen Degmada Dharkeenlay ee Gobalka Banaadir, Ka dib Markii 2-0 ay Kaga Badiyeen.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here