Home Wararka caalamka Raisal wasaare Cusub oo loo Magacaabay wadanka Australia kaasi badalay..

Raisal wasaare Cusub oo loo Magacaabay wadanka Australia kaasi badalay..

0

Malcolm ayuu cadaadis ka haystay taageeradiisa oo hoos u sii dhacaysay iyadoo ay soo dhawaatay doorashadii ayna ka soo horjeedsadeen xildhibaanno badan.

Ra’iisulwasaarihii hore ayaan tartanka ka qaybgalin, balse Morison ayaase ka guulaystay Peter Dutton oo horray u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Julie Bishop.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa iscasilay wasiiradda maaliyadda iyo shaqaalaha ee xukuumadda Australia, kuwaasoo doonaya inay ku qasbaan in Malcolm Turnbull uu xilka wareejiyo.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Australia ayaa filaya in isla maanta uu dalkooda yeelan doono ra’iisal wasaare cusub kaasoo noqon doona kii lixaad ee xilka qabta muddo 10 sano gudahood ah.

Cod bixiyayaasha Australia ayaa la yaaban hab dhaqanka siyaasiyiintooda.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here