Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Looga Gaystay Daahir Xuseen Maxamuud oo Muqdisho...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Looga Gaystay Daahir Xuseen Maxamuud oo Muqdisho lagu Dilay

0

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan wiil dhalinyaro ahaa ugu geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Daahir Xuseen Maxamuud oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysnaa bistoolada ay marxuumka ku dhex dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla xaafadda Mac-macaanka ee Dharkenley.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Marxuum Daahir Xuseen Maxamuud uu sidoo kale dhowaan ka soo qalin-jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goobta uu dilka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falka dilka ah ee loo geystay wiilkaas dhalinyarada ah.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan oo ku soo aaday, xilli maalmihii lasoo dhaafay amniga caasimada uu ahaa mid xasilan.

Ad
Previous articlePuntalnd oo ka laabatay soo qabshada Siyaasiyiin dhowaan loo jaray warqadda soo xirista
Next articleGuriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada magaalada Garawe oo la weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here