Home Wararka Somaliya Taliyeyaasha Saldhigyada degmooyinka Galmudug oo isbadal lagu Sameeyay

Taliyeyaasha Saldhigyada degmooyinka Galmudug oo isbadal lagu Sameeyay

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xillalkii ka qaaday taliyeyaasha Saldhigyada Shan kamid ah degmooyinka Maamulka Galmudug iyo saraakiil kale.

Qoraal kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxames Xijaar oo loo gudbiyay talisyada Ciidamada Booliska Gobolada Mudug & Galgaduud & hoggaanadooda ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska, Guriceel, Cadaado, Matabaan, isaga oo taliyeyaal u Magacaabay Saldhigyada degmooyinkaas iyo Taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug.

1: Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa loo Magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Muuse Maxamuud.

2: Taliye kuxigeenka Ciidanka Birmadka ayaa waxaa loo bedelay Qaasim Sheekhdoon Cali oo ahaa taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug.

3: Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud.

4: Taliye kuxigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa loo Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame.

5: Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb ayaa loo Magacaabay Maxamed Mire Maxamuud.

6: Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq ayaa waxaa loo Magacaabay Dhame Yaxye Maxamed Xaashi.

7: Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Cadaado ayaa waxaa loo Magacaabay laba xidigle Maxamed Cadceed Cismaan.

8: Taliyaha Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo Magacaabay laba xidigle Maxamed Aadan Cumar.

9: Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Matabaan ayaa waxaa loo Magacaabay laba xidigle Xasan Xuseen Maxamuud.

10: Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa loo Magacaabay laba Xidigle Xasan  Cabdi Maxamed.

Ad
Previous articleRajab Dayib Ordugan oo Sagaal Sano Kadib Maantay Gaaray Wadanka Isutaga Imaaradka Carabta
Next articleNin Ciraaqi ah oo Gabar Soomaali ah Dilay ka Dib markii ay Diiday inay Xiriir Lasamayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here