Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo laamaha Amniga Shir Degdeg ah la qaatay Kadib...

Madaxweyne Qoor Qoor oo laamaha Amniga Shir Degdeg ah la qaatay Kadib Dilkii Taliye ku Xigeenka NISA ee Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee Dowladda Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka madaxtooyada Galmudug.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay argagixisada, kuwaas oo uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.

Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlada amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan falalka kadhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta baacsiga har iyo habeen ay ku hayaan argagixisada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo heshiis Cusub Kala Saxiixday (Sawirro)
Next articleDhacdo argagax Leh oo Galmudug ka dhacday iyo 1 Qos oo dhacdadaan ay qabsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here