Home ciyaaraha maanta Jahwareer ka jira Koobka Ciyaaraha Degmoyinka Galmudug oo dhoor meel ka dhacaya...

Jahwareer ka jira Koobka Ciyaaraha Degmoyinka Galmudug oo dhoor meel ka dhacaya Sanadkan..

0
SHARE

Xilli dhawaan La Shaaciyay In Sanadkii labaad Ciyaaraha Koobka Degmooyinka Galmudug lagu qabanayo Stadium Cabdulaahi ciise maxamuud ee magaalada gaalkacyo isla markaana diyaar garow wanaagsan loogu jiray soo dhaweynta xulalka ka qeyb galaya ayaa dhanka kale Dhuusomareeb waxaa jira koob kale oo halkasi lagu qabanayo.

ciyaaraha oo la qorsheeyay iney ka qeyb galaan ilaa 6degmo oo oo kala ah Gaalkacyo,Cadaado, Hobyo,Dhusmareeb, Caabudwaaq iyo Balanbal. Sida ay horey ushaaciyeen guddiga diyaarinta marti galinta koobka degmooyinka galmudug oo u badan dhalinyarada degmada gaalkacyo ee galmudug.hadana dhanka kale waxaa soo baxaya warar tilmaamaya in ciyaarta koobka degmooyinka loo wareejiyay degmada dhusmareeb ee xarunta madaxtooyada galmudug.

waxaa halkaasi laga dareemayaa diyaar garow ku aadan marti galinta koobka degmooyinka galmudug inkasta oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha galmudug wali ka hadlin isbarbar yaaca iyo jahwareerka soo wajahay qabsoomidda koobka degmooyinka galmudug hadana tani waa mid si weyn loo hadal hadal hayo.

Waxaa muuqata in bahda ciyaaraha Galmudug in aysan laheyn xiriir ku aadan dhanka maamulka ciyaaraha Gobolada.

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here