Home Wararka Maanta Gudoomiye C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo Weerar Lagu Qaaday iyo Khasaaro...

Gudoomiye C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo Weerar Lagu Qaaday iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay weerarkaas

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saaka lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyey guri uu dagan yahay C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkenley, kaas oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaahay.

Kooxo hubeysan ayaa lagu warramayaa in illaa laba bambo ay ku dhufteen guriga guddoomiye Shaarkey oo xilligaas ku sugnaa goobta isaga iyo askar ilaali u aheyd, waxaana la soo wariyay inay ka bad-badeen weerarkaasi, marka laga tego burburka guriga.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan bambaano uu ku dhintay wiil yar oo 14 sano jir ahaa isla-markaana qoyskiisa ay daris la yihiin mas’uulka la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana howlgallo kooban sameeyay ciidanka ilaalada ee guddoomiyaha arrimaha bulshada degmadaas, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga ay kooxda Al-Shabaab ku heyso mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii u dambeeyay.

Xalay ayey aheyd weerar loo adeegsaday qarax miino oo lalala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka ee dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana aad loo xasuustaa weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleJubaland oo uu Ka Bilowday Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab(Sawiro)
Next articleIlaalada Wasiir Ka tirsan Puntland oo Dil iyo dhaawac u geestay labo wiil oo Walaalo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here