Home Wararka Somaliya Ciidamo uu wato Saadaq Joon oo mar kale Dagay Shiirkole iyo Xiisad...

Ciidamo uu wato Saadaq Joon oo mar kale Dagay Shiirkole iyo Xiisad ka taagan Magaalada

0

Ciidamo badan uu wato taliyihii hore ee ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa caawa mar kale deegaansaday xaafada Shiirkole ee degmada Hodan halkaas oo beeshiisa ku badan tahay.

Saadaq Joon iyo ciidamadiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna caawa xooga uga gudbeen koontarool laga galo garoon oo joogeen ciidamo katirsan dowlada.

Dowlada ayaa galabta ciidamo badan geesay labada jid ee laga galo garoonka Aadan Cadde si ay uga hortagaan in ciidamada uu wato Saadaq Joon halkaasi uga baxaan uguna gudbaan xaafada Shiirkole, hasa ahaatee Saadaq Joon ayaa awood uga gudbay jidkaasi.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaana caawa laga dareemayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga xaafada Shiirkole, waxaana dadka qaar ee xaafadaasi degan bilaabeen in ay guryahooda isaga baxaan iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda dagaal ka dhaco.

Ad
Previous articlePuntland oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Madaxweyne Farmaajo
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xildhibaano iyo Wasiiro gaaray Deegaanka Shirkoole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here