Home Wararka Somaliya Qaramada Midoobay oo Dhawaan xarun ka Furanaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug...

Qaramada Midoobay oo Dhawaan xarun ka Furanaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug (Sawiro)

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa maanta soo gaaray xubno ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya, xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaanno iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayey Tomoko kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu la-xiriiray hubinta iyo sahminta halka loo asteeyay inay noqoto xafiiska QM ee Galmudug.

Kaddib howlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda Galmudug, waxay xarunta madaxtooyada ku la kulmeen madaxweyne Ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo si diiran usoo dhaweeyey isla markaana bogaadiyay in UN ay soo degaan Galmudug.

” Waan soo dhaweynaynaa in hay’daha kala duwan ee QM ay ka howlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, sii ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhawna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowladda Galmudug ayuu yiri Cali Ciid.

Wakiilka QM U qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa booqashadii dhawaan uu ku yimid Galmudug wuxuu ballanqaaday in hay’adaha UN sida ugu dhaqsiyaha badan usoo degi doonaan Galmudug.

 

Ad
Previous articleAkhriso:- Qodobada ugu adag ee Shirka ka furmay Muqdisho looga hadlayo maanta
Next articleMasuul sare oo ka Tirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ku geeriyooday Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here