Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Beenisay in Ahlusuna ay duulaan ku tahay Deegaanada Galmudug

Galmudug oo Beenisay in Ahlusuna ay duulaan ku tahay Deegaanada Galmudug

0

Dowlad goleedka Galmudug ayaa beeniyay warar sheegaya in magaalada Dhuusomareeb ay duulaan ku yihiin ururka Ahlusunna Waljamaaca oo horay u maamuli jiray gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ku eedeeyay warbaahinta madaxa bannaan oo ka faa’idaysanaya xorriyada ay haystaan, in ay bulshada ku khalkhal galinayaan warar been abuur ah.

Wasiir Falagle waxa uu sheegay in ay jiraan saraakiil Ahlusunna katirsan oo Galgaduud u jooga arrimo ku saabsan Siyaarada sheikh caan ah, balse wuxuu beeniyay in ay jirto abaabul ciiddan oo ay ku howlan yihiin.

Wuxuu sheegay Galmudug in aysan dhibaato u arag in Ahlusunna ay dib ugusoo laabtaan deegaannadooda kuna siyaaraystaan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay dabacsanaanta ay Galmudug muujinayso.

Maalmihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciiddan ayaa laga dareemayay Galgaduud kadib markii xooggaga Ahlusunna lagu arkay iyagoo dhoolo tus ku sameynaya deegaanno katirsan Galgaduud.

Waxaa sidoo kale jirta saraakiil katirsanaa ciiddanka xoogga oo iyaga iyo ciidankoodii iyo hubkoodii ku biiray Ahlusunna, waxaana laga cabsi qabaa in Ahlusunna ay weeraraan magaalooyinka Dhuusomareeb iyo guriceel.

Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ayaa maalmo ka hor warbaahinta ka eedeeyay maamulka Galmudug, waxayna sheegeen in ay dayaceen deegaannadii laga xorreeyay ururka Alshabaab.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo Bayaan Culus ka Soo saaray Khilaafka Madaxda DFS
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM kala hadlay Xaqeejinta Amniga Doorashada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here