Home Wararka Maanta Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay guusha weyn ee ay mar kale ka...

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay guusha weyn ee ay mar kale ka gaartay deyn-cafinta?

0

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga daayo 99% deynta ay ku lahaayeen xubnaha dalalka deymaha bixiya ee Paris Club, sida uu shalay sheegay the Paris Club, waana guulo waaweyn oo laga gaaray dadaallada ay Soomaaliya oo ay dagaallo sokeeye ragaadiyeen ugu jirtay inay dib ugu soo laabato hannaanka dhaqaalaha ee caalamiga ah.

Dalalka Mareykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan $2 bilyan oo deymaha Soomaaliya ah, the Paris Club, oo ah guddi hoos taga wasaaradda maaliyadda Faransiiska oona xogheyn u ah dalal badan oo deymaha bixiya, ayaa sidaasi ku yiri war uu soo saaray.

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa loo ogglaa in laga cafiyo in ka badan $4.5 bilyan oo deyn ah dhammaanba dalalka deymaha bixiya kaddib kadib markii December ay gaartay dhammaadka howlaha deyn-cafinta oo ay korjoogto ka ahaayeen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka.

Soomaaliya oo gaartay “Barta Dhammeystirka” Howsha Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Badan lagu Leeyahay (HIPC), ayaan qeyb ka ahayn hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah in ka badan 30 sano oo ay hareeyeen xasilooni-darro iyo dagaal sokeeye.

“Dalalka deymaha bixiya ee Paris Club ayaa soo dhoweeyay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sii wadidda hirgelinta istaraatiijiyadda yareynta saboolnimada iyo barnaamijka hanka sare leh ee dib u habeynta dhaqaalaha ee lagu abuurayo aasaasayaasha koboc dhaqaale oo la joogteyn karo oo lagu mideysan yahay,” ayuu yiri the Paris Club.

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay?

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Bixi Imaan Cige, ayaa BBC-da u sheegay in wada xaajood waqti badan qaatay oo ay muddo soo wadeen ugu danbayn ku guulaysteen in dayntii laga dhaafo dalka.

“Naadiga Paris Club waxay nagu lahaayeen lagac saddex bilyan ka badan, balan qaadka hore wuxuu ahaa inay naga cafiyaan hal bilyan xiligii go,aanka la gaaray sanadkii 2020-kii halkii gunanadka markaan gaarnay bishii December, waxaan ka soo baxnay shuruudihii nagula xiray,waxaa xigaya in hab rasmi ah oo dalalka lagacaha lihi ku dhafaayaan, lagacahaas ay nagu lahayeen si dhammaystiran ayey u oggolaadeen inay naga dhaafeen,” ayuu yiri wasiir Biixi.

Tallaabadan ayuu wasiirku ku sheegay inay saldhig u ahayd dowladda Soomaaliya in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa laakiin waxaa jira dalal kale oo an naadigan ka cafiyey daynta Soomaaliya ku jira oo daymo ku leh Soomaaliya.

“Dalalka kale ee ka baxsan naadiga Paris Club, waxay u badan yihiin dalalka aan ka wada tirsanahay Jaamacada Carabta dalalakaas oo ay ka mid yihiin Kuwayt, Sacuudiga, Imaaradka iyo Ciraaq in badan oo ka mid ah fahan buuxa ayaa laga gaaray heshiisyo ayaana lala galay sida Kuwayt, Ciraaq iyo Sacuudiga, inta kale sida Imaaraadka iyo dhowr haya’ddood oo haya’addaha carabtu leeyihiin wadda xaajood gaba gaba ayaa lagu jiraa” ayuu BBC-da u sheegay wasiirka Maaliyada Soomaaliya Biixi.

Wasiir Biixi ayaa BBC-da u sheegay in hannaanka dayn cafintu uusan ahayn kaliya mid daynta lagu cafiyey balse uu ahaa mid lagu dhisayey hanaanka Maaliyada ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayey xilliga Soomaaliya la rajaynayo inay si rasmi u soo gunanado qorshaha dayn cafinta ayuu sheegay “hannaanka dayn cafintu waa mid dunidu marto, maaha mid Soomaaliya ku gaara, waxyaabah haray waa qabyooyin yar yar oo lagu talagalay in arrimo farsamo lagu dhamaystiro, waxa haray waa heshiisyadaas gaar gaar ee dalalkan lala gali doono oo bilo ka badan ahayn waa gabo gabo”

Deynta Soomaaliya ee $5.3 bilyan ayaa lagu soo koobay wax ka yar 6% dhammaadkii 2023, iyadoo laga keenay 64% dhammaadkii 2018, sida ay IMF iyo World Bank sheegeen bishii December.

Ad
Previous articleTaliyihii Ugu Sareeyey Furimaha Dagaalka Galmudug oo Shaaciyay Sababtay ay uga Soo Baxeen Camaara Bacaadwayn iyo Caad
Next articleDowladda Bangladesh oo wada dedaalo lagusoo badbaadinaayo markabkii lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here