Home wararka Dalka Ganacsatada Muqdisho oo Ku dhaw Shaqa Joojin Ka dib Markii uu Amar...

Ganacsatada Muqdisho oo Ku dhaw Shaqa Joojin Ka dib Markii uu Amar soo Rogay Maamulka Gobalka Banaadir.

0
SHARE

Ganacsatada Goblka Banaadir ayaa Cabasho Ka Muujiyay Tilaabo Maamulka Gobalka Banaadir uu ku Soo rogay Ganacsatada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa Lagu War Geliyay in ay Iska xaadiriyaan Xarunta Gobalka Banaadir.

Fulinta Amarka oo ay fuliyeen Ganacsatada Qaar ayaa waxay La kulmeen Amar ah in Ay goostaan kaarka Loo Yaqaano Kaarka Caafimaadka, Waxayna sheegeen Ganacsatadu in is jii jiid Ka Dib ay Ogolaadeen Qaarkood ganacsatada in Ay Goostaan Kaarka caafimaadka oo Ku kacaya Lacag dhan $20 Dollar.

KA DIB MAXAA DHACAY

Ganacsatada ayaa sidoo kale lagu war Geliyay in ID- CARDKA caafimaadka ay ganacsatadu u gooyaan Shaqaalaha Xarumaha Ganacsi Uga shaqeeya,,,,, Kaarkuna Waa mid dhacaayo 5 Bil ka dib.

Waxay sheegeen Ganacsatadu in Taas aysan Noqon Karin Tilaabo Looga baahnaa Gobalka Banaadir in uu Kula dhaqmo ganacsatada Muqdisho, Mar hadii aysan Jirin Wada shaqeyn Kale Ee Maamulka G/Banaadir Iyo ganacsatada Ka dhaxeeya.

Xaruntii Ganacsi oo ay Ka shaqeeyaan 15 ruux Ama 10 ruux imisa Lacag ah ayaa Lacaga Rabaa, Waana Min qof 20 Dollar.

Sidoo Kale Waxaa jira Amar ah Qofkii Aan tegin Xarunta Gobalka oo Aan fulin Amarkaas in Laga Qaadayo lacag dhan 500 oo shilin soomaali ah

Waxay sheegeen sidoo kale ganacsatadu in Ay ku dhawaaqi doonaan Shaqa joojin Hadii Ay tani sii socoto.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here