Home wararka Dalka Maamule School oo Xabis Loo dhigay Arima La xariira Imtixaan uu la...

Maamule School oo Xabis Loo dhigay Arima La xariira Imtixaan uu la Fadhiistay Arday uu Maamule u ahaa.

0
SHARE

Maamule iskuul ku yaal dalka Burundi ayaa la xirey kadib markii lagu qabtay isagoo iska dhigay arday imtixaanka guud ee dugsiyada wadanka Burundi.

Ciidamo Boolis ah ayaa gudaha u galay qolkii uu imtixaanka u fadhiyay Banjamin Manirambona kadib markii lagu soo wargeliyay. Manirambona oo ah madaxa Butere Technical College ayaa qirtey qorshaha uu damacsanaa inuu dhicisoobay.

Maamulahan ayaa sheegay in uu u galayay imtixaanka askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya si u uu helo derejo uu jaamacad ku dhigan karo.

Manirambona ayaa sheegay in askariga uu u ballanqaaday lacag badan marka uu dalka Burundi dib ugu soo laabto.

Wasiirka waxbarashada dalka Burundi Janviere Ndirahisha ayaa  si dhaqso ah ku tagtay dugsiga maamulaha lagu qabtay oo ku yaal caasimada wadankaas ee Bujumbura iyadoo ay la socdaan saxafiyiin.

Dalka Burundi ayaa ardayda marka laga qaadayo imtixaanada waaweyn waxaa ay fariisteen iskuul aan ahayn iskuulkii uu wax ku baranayay sidaa awgeed ayayn  ugu suurtogashay maamulahan inuu iska soo dhigo arday

 

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here