Home Wararka Somaliya Somaliland Dhalinyarada hubeysan ee jabhadda uga dhawaaqday buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil oo...

Dhalinyarada hubeysan ee jabhadda uga dhawaaqday buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil oo ku gacan seeray go’aankii Somaliland

0

Dhalinyarada hubeysan ee jabhadda uga dhawaaqday buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ayaa ku gacan seeray go’aankii Somaliland oo dhowaan shaaca ka qaaday inay cafis u fidineyso jabhaddaasi, haddii ay hubka dhigaan.

Xubno u hadlay jabhaddan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan halgankooda, isla-markaana waxa ay wacad ku mareen inay aysan dhigi doonin hubka.

Sidoo kale waxa ay ku goodiyeen inay sii wadi doonaan weerarada, inta ay is casilayaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

“Ina Kaahin iyo Muuse Biixi haday shacabka u tudhayaan xilka hayska casilaan, si nabadgalyo iyo wadanoolaansho u timaado, hadii kale sidaa aanu dhoqoshay u imanayno ayaanu Oogna u iman karnaa, madaxtooyadana waanu iman doonaa” ayuu yiri mid kamid ah jabhadda.

Kooxdan ayaa muuqaal cusub soo duubtay, kadib markii ay maanta soo bandhigeen gaari ay la eedahay Wasaarada Biyaha Somaliland oo ay ka afduubteen degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, isla-markaana ay geeyeen buurta ay ku sugan yihiin ee Gacan-Libaax.

Arrintan ayaa uga sii dari karta xiisadda ka taagan Somaliland oo horay ula daala dhaceysay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay cafis u fidisay jabhaddan, kadib bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulkaasi.

“Iyada oo aanu raacayno aqbalaaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah masuulka u sareeya dalka waxa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay qoraalkan oo ay ku cadaynayso in aan dhalinyaradii hubka la fuulay Buurta Gacan-Libaax xukuumadda wax alla waxay u raacaysaa jirin halkaana arrinkaas lagu soo xidhay” ayuu lagu yiri qoraalka.

Ad
Previous articleUrurka dhakhaatiirta Soomaaliyed iyo kan Puntland oo war kasoo saaray dilkii Dr. Zakariye Cabdi Jaamac
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dhulgariir kale oo ku dhuftay Marooko & dhimashada oo korortay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here