Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ahaa La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Xili...

Xasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ahaa La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Xili amniga Xamar Faraha Kasii Baxay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

 

 

Ad
Previous articleGolaha shacabka oo shaaciyey Maalinta codka kalsoonida loo qaadayo Wasiirada cusub
Next articleDoorashada Golaha Deegaanka Degmada cadaado oo Maantay Bilaabatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here