Home wararka Dalka Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo Gaaray Cadaado.

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo Gaaray Cadaado.

0
SHARE

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigenka 1-aad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamanka Galmudug.

Guddoomiyha oo ay safarka ku wehliyaan qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10-aad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay Xildhibaanno, Wasiirro iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Cadaado.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, C/raxmaan C/laahi Tootoole, oo ka hadlay soo dhoweynta wafdiga ayaa sheegay inay si weyn ula dhacsan yihiin masuuliyiinta halkaasi gaaray iyo howlaha horumarineed ee u tageen Cadaado.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa ah inuu Xarigga ka jaro Maktabad dhawaan laga hirgeliyay Magaalada Cadaado, taasoo ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda, Aqoon yahannada iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug , ayaa mashaariic ka hirgeliyay degaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here