Home wararka Dalka Ra”isul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Daah Furay Golaha Dhaqaalaha...

Ra”isul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Daah Furay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawiro)

0
SHARE

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo.

Sidoo kale Golahaan ayaa dowladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxweynha Soomaaliya ayaa dhawaan Ku dhaweeqay Guddiga dhaqaalaha Dalka, Waxaana Maanta si RASMI ah ufuray Ra”isul Wasaare Khayre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here