Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Dowlada Soomaaliya oo xog cusub ka bixisay khilaafka...

Wararkii Ugu danbeeyey Dowlada Soomaaliya oo xog cusub ka bixisay khilaafka kala dhexeeya Itoobiya iyo qorshaheeda

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi siiyey Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa ka hadlay halka uu marayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo yiri “Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis Ababa ku hayso qarannimada Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday DFS ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Sidaas darteed waxaan ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto, inagoo u qabanay saacado kooban,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayoxadgudubyada joogtada ah ee Itoobiya ay ku hayso madax-bannaanida dalka.

“Somaliland iyo Puntland waa labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana khasab in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliyeed uu dhaqan-galo,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood eeEthiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markii ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay uga haysteen.

“Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaankadiblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah” ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee Soomaaliya ka qaadi karto Ethiopia ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah, si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyomidnimada dhulkeenna.”

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisada taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hoggaanka Addis Ababa uu joojiyo hab dhaqankamas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya, balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

“Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladdadhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.”

Ad
Previous articleTaliye Mahad Salaad oo Xilka Ku wareejiyay Taliye Sanbaloolshe(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dadkii u badnaa oo ku dhintay Markab ku degay Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here