Home wararka Dalka Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Dowlada Fedraalka ah Digniin Udiray.

Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Dowlada Fedraalka ah Digniin Udiray.

0
SHARE

Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada dhowaan ka dhaceyso Maamulka Puntland.

Juxa oo xalay magaalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland galeyso doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan.

“Puntland waxay galeysaa doorasho u gaar ah oo masiirkeeda iyo rabitaankeeda ku dhisan, waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan faraha la soo gelin”ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha muhiimadda uu siinayo haddii uu ku guuleysto doorashada, waxaana uu dhaliil xooggan u jeediyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here