Home galmudug Top News Guddiga Nabad galyada Gobolka mudug oo maalmahan kulamo uga socdeen...

Top News Guddiga Nabad galyada Gobolka mudug oo maalmahan kulamo uga socdeen gaalkacyo

0
SHARE

Guddiga Nabad galyada Gobolka mudug oo maalmahan kulamo uga socdeen gaalkacyo kaasi oo looga arinsanayo shaqaaqo ka dhacday duleedka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa sheegay in meel wanaagsan ay wax umarayaan.

Inkasta oo wali warbaahinta aysan helin qodobo faahfaahsan hadana Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo xubin ka ah guddi ku magacaaban nabad galyada mudug,kana kooban galmudug iyo puntland ayaa warbaahinta war kooban uu siiyay ku sheegay in kulamada wali socdaan meel wanaasana umarayaan.

“Xalinta shaqaaqo ka dhacday duleedka bari ee gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka ineysan falalka amniga wax udhimi kara waa kan ugu horeeya ee aan diiradda ku saaran inbadan waan isla garanay waxaaana ku rajo weynahay inaan soo afjarno oo xaal laga gaaro”ayuu yiri suldaan cabdi naasir jaamac seed.

Suldaanka ayaa dhanka kale saraakiisha iyo ciidamada dawladda fedaralka ah uga mahad celiyay kaalinta ay kaga jiraan hawla amaanka gobolka mudug,bulshada reer gaalkacyo ayuu ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Amniga.

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here