Home Wararka Maanta Alshabaab oo Faahfaahisay Qaabka ay Udileen kuxigeenkii madaxa howlgalinta Ciidnaka Danab...

Alshabaab oo Faahfaahisay Qaabka ay Udileen kuxigeenkii madaxa howlgalinta Ciidnaka Danab oo Xamar lagu Dilay

0

Kooxda Al Shabaab ayaa war kasoo saartay dil magaalada Muqdisho ugu geesteen sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, kaa oo maanta lagu aasay qabuuraha ciidanka milatariga ee kuyaalla isbitaalka Xoogga.

Al Shabaab ayaa sheegtay in khamiistii weerar ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan  Korontada ku beegsadeen  kuna dhaawaceen kuxigeenkii madaxa hogganka howlgalinta Ciidnaka xoogga dalka Soomaaliyeed Kabtan Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud.

”Waxay Mujaahidiintu – Allaah fadligiis – 29 kii bisha Ramadan 1444H, oo waafaqsaneyd 20 Abriil 2023 howlgal gaar ah ku beegsadeen Cabdicasiis Maxamed Maxamuud kaas oo ahaa saraakiisha ciidanka dowladda oo ay ku raadjoogeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalkan ay dileen ciidanka dowladda u qaabilsana ahagida diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha fuliya , waxa ayna sheegeen sargaalkan in uu tababar kusoo qaatay dalka Mareykanka.

“Sargaalkan oo tababaro dhawr ah kusoo qaadatay wadanka Maraykanka ayaa xilligaan ku magacawnaa waxa loogu yeero taliye ku xigeenka howlgalada ee wasaarada gaashaandhigga , iyo madaxa howlgelinta ciidamada Danab ee Mareykanku leeyahay . Wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha Drones-ka ee duqeymaha u geysta dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Sargaalkan dilkiisa Al Shabaab sheegteen in ay ka dambeeyeen ayaa xalay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac maalmo kahor u geesteen kooxo hubeesan, waxaana duugta sargaalkan saakay ka qeyb galay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Ad
Previous articleKulan Xasaasi ah oo Xalay la yeeshay Ammaanka magaalada Muqdisho Xili amniga Muqdisho isbadaly (Sawirro)
Next articleDagaal khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Degmo ku Taal Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here