Home Wararka Maanta Mareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey Cabdulraxiim Axmed iyo...

Mareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey Cabdulraxiim Axmed iyo Maxamed Axmed oo walaalo ah kadib 21 sano oo uu Xabsi ku Haayay (Sawirro)

0

Xabsiga ku yaalla Gacan-biyoodka Guantanamo Bay ee dalka Cuba ee ay Milliteriga Maraykanka maamulaan ayaa waxaa shalay oo Khamiis ahayd laga sii daayey 2 Walaalo wada dhashay.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in labada Walaalaha oo lagu kala magacaabi Cabdulraxiim Axmed Qulaam Rabbaani oo 55 jir ah iyo Maxamed Axmed Qulaam Rabbaani oo 53 jir ah dib loogu celiyey dalkooda Hooyo ee Pakistan.

Labadaasi, waxaa la soo qabtay sanadkii 2002-dii, hal sano kadib, Duqeymihii ay Ururka Al Qaacida ku qaadeen Daarihii Mataanaha iyo Dhismaha Waaxda Difaaca The Pentagon ee dalka Maraykanka bishii September 11-dii ee sanadkii 2001-dii, kuna dhinteen 3,000 oo qof.

Waaxda The Pentagon ayaa sheegtay in Labada Walaalaha ah ahaayeen Fududeeyaal (Facilitors) ee dhanka Maaliyada iyo Tas-hiilaadka Safarka ee Hogaamiyeyaasha Ururka AlQaeda.

Labada Walaalaha waxay Ciiddanka Pakistan ka soo qabteen magaaladda Karachi bishii September ee sanadkii 2002-dii, waxaana Xabsiga Guantanamo Bay loo soo gudbiyey sanadkii 2004-tii, kadib, markii muddo 550 maalmood lagu hayey Xabsi Qarsoodi ah oo ay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ku lahaayeen dalka Afghanistan.

Dhanka kale, Tirada Guud ee dadka haatan ku xiran Xabsiga Guantanamo Bay waxay gaarayaan 32 qof.

Xabsigaasi oo horey u ahaa Saldhig Milliteri waxaa  la asaasay Xilligii uu Talada Maraykanka hayey Madaxweynihii  George Wilson Bush sanadkii 2002-dii.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha haatan ee dalkaasi, Joe Biden oo xilka la wareegay sanadkii 2021-kii (20 sano kadib, Qaraxyadii Al Qaeda ka geysteen dalkaasi) waxaa Xabsiga Guantanamo Bay ku xirnaa 40 Maxbuus, balse waxaa haatan ku haray 32 maxbuus.

Ad
Previous articleShirkada Maraykan ah oo Lagu eedeeyey Dhulgariikii Dhimashada Badnaa ee Ka Dhacay Dalka Turkiga
Next articleAlshabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaaday Saldhig ay Daganaayeen Ciidamada Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here