Home Wararka Maanta Hadal hayn caro leh oo ka dhalatay wiil 7 jir ah oo...

Hadal hayn caro leh oo ka dhalatay wiil 7 jir ah oo eeddadii aabbihii qabay ay ku dishay koronto iyo mindi

0

Ciraaq ayaa ku soo toostay maalmo ka hor dil aad u fool xun oo wiil lagu magacaabo Musa Walaa oo todoba jir ahaa ay u geysatay eeddadiis.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Shabakadda Haweenka Ciraaq shaaca kaga qaaday in cunug uu ku dhintay degmada Al-Khatib oo ka tirsan magaalada Al-shuula ee magaalada Baqdaad, kaddib markii ay jirdil xooggan u geystay eeddadii uu abbihii qabay.

Warku waxa uu sheegay in Ilmaha yar Muuse Walaa lagu dhajiyay Koronto, ka dibna loo adeegsaday Mindi iyo neef-qabatin, ilaa uu ka geeriyooday, waxaaney tilmaamee in “Haweenayda falkaasi gashay aanay wax xanuun ah oo nafsi ah iyo mid maskaxeed midna ka qabin”.

“Ciidanka ammaanku waxay u suurtagashay inay xiraan xaaska aabbaha ee ilmaha yar dishay, si loo dhameytiro nidaamka baarista, una gudbiyaan hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh.” Ayaa lagu yiri farriinta ilaha ammaanka.

Adeerka ilmahan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Muuse uu u dhintay jirdil ba’an oo ay ka muuqdaan jirkiisa.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaska ay ka faa’ideysatay maqnaanshaha aabaha guriga, wuxuuna sheegay in jirka cunugga ay ka buuxeen nabarro, dhaawacyo qoto dheer, koronto, iyo dhiig qooyan.

Adeerkii waxa uu sheegay in Hooyadii dhashay ay ku qasabtay inuu cuno hal kiilo oo milix ah iyadoo canaanatay oo garaacday, taasina ay keentay inuu geeriyoodo.

Sawirro laga soo qaaday meydka cunuga yar oo qabsaday baraha bulshada inta badan dalalka Carabta, ayaa dhaliyay mowjado caro ah, iyadoo lagu baaqayo in ciqaabta ugu badan la marsiiyo dambiilaha.

Ad
Previous articleCumar Macalin Nuur iyo masuuliyiin kale oo Xatooyo Xoolo Dadawayne lagu eedeeyey oo Markale Maxkamada Gobalka Banaadir kasoo Muuqday
Next articleDowladda iyo mucaaridka Kenya oo xal wada gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here