Home Wararka Maanta Gudoomiye Abshiroow oo ku Hanjabay in Xildhibaanada Qaar Mushaarka laga Jaraayo

Gudoomiye Abshiroow oo ku Hanjabay in Xildhibaanada Qaar Mushaarka laga Jaraayo

0

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan lagu waday in ay yeeshaan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka , kaddib markii kulanka ay soo xaadiri waayeen tiradii uu kulanka ku furmi lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abshiroow ayaa sheegay in uu maanta baaqday kulankii baarlamaanka, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in kulanka kooram la’aan maanta u baaqdo.

Waxa uu sheegay guddoomiye Abshirow in tallaabo laga qaadi doono xildhibaannada aan soo xaadirin kulamada baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay in aysan isku xaquuq noqon doonin xildhibaannada kulamada soo xaadira iyo kuwa fasax la’aanta ku maqan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacago laga jari doono xildhibaannada kulamada baarlamaanka ee fasax la’aanta ku maqan, waxa uuna digniin adag u diray xildhibaannada aan soo xaadirin kulamada.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta laga hor aqriyay magacyada xildhibaannada kulanka soo xaadiray, xildhibaannada fasaxa la ogyahay ku maqan iyo sidoo kale xildhibaannada fasax la’aanta ku maqnaa kulanka maanta.

Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in xildhibaannada ka maqnaada kalfadhigan dhawwaan furmay, waxaana kulankan maanta baaqday imaanayaa xilli isbuucii hore xildhibaannada ka doodeen mooshinka muddo kordhinta.

Ad
Previous articleMustafe Cagjar oo ku amaanay dawladda Itoobiya inay garab u tahay muslimiin, xilli la duminayo masaajidada Itoobiya.
Next articleCiidmada Danab oo Ugu Danbayn Dilay Horjooge Muumin Dheere oo mudo la Raadinaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here