Home wararka Dalka Wasiirka Arimaha Dibada soomaaliya oo Difaacay gi’aankii soomaaliya ay Ku Taageertay Sacuudiga.

Wasiirka Arimaha Dibada soomaaliya oo Difaacay gi’aankii soomaaliya ay Ku Taageertay Sacuudiga.

0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa difaacay mowqifka ay dowladda Soomaaliya kula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada.

“Waa run waa ku taageernay dowladda Sacuudiga in arrimiheeda gudaha la faragelin oo la ixtiraamo sida aan ugu taageeri laheyn dalka Canada in arrimaheeda gudaha la faragelin, mowqifka dowladda waa mid waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka adduunka u yaalla, Sacuudiga waa dal walaalo nahay, wax badanna naga dhaxeeyaan marka inaan ku taageerno arrimahooda gudaha in aan la faragelin ceeb ma ahan, sidoo kale Canada waa dal aan saaxibo nahay, oo aan aad u qadarino”ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay idaacada BBC.

Soomaaliya ayaa dhawaan Taageertay Dowlada sacuudiga Ka dib markii uu khilaaf soo kale dhaxgalay, Sacuudiga iyo Canada.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here