Home Wararka Caalamka Putin oo Talaabo ka Dhan ah Reer Galbeedka Markale Qaaday

Putin oo Talaabo ka Dhan ah Reer Galbeedka Markale Qaaday

0

Ruushka ayaa qaaday tallaabo uu uga jawaabayo cunaqabateynta ay waddamada Galbeedka ku soo rogeen kadib markii uu ku duulay dalka Ukraine.

Moscow ayaa sheegtay in 48 waddan oo ay ku tilmaantay “kuwo galay falal saaxiibtinnimada ka baxsan” ay ka mamnuucday qalabka isgaarsiinta, Caafimaadka, gaadiidka, beeraha iyo korontada ee uu dalkeeda u dhoofiyo. Xayiraadda ayaa socon doonta tan iyo dhammaadka 2022.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Ruushka ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay ka mid tahay inay maraakiibta shisheeye ka mamnuucdo dekadaha dalkaas.

Dowladaha Galbeedka ayaa Ruushka saaray cunaqabateyn xooggeedu yahay joojinta iibsiga shidaalka iyo gaaska dalkaas, iyo xayiraadda hantida maalqabeennada waddankaas ee loo arko inay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxweyne Vladimir Putin.

Ra’iisal wasaaraha Ruushka, Mikhail Mishustin, ayaa sheegay in cunaqabateynta ay saameyn doonto alaabaha ay sameeyaan shirkadaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaas, sida gawaarida iyo qalabka tareennada.

Madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, ayaa sidoo kale ka digay in hantida ay leeyihiin shirkadaha Galbeedka ee ka baxay dalkaas ay la wareegi doonto xukuumadda Moscow, isla markaana la qaramayn doono.

Ad
Previous articleKooxdq Daacish oo muda kadib qiratay Dilka Hogaamiyahoodii
Next articleXiisad ka taagan Gaalkacyo kadib Markii Kursi gaar ah loo xiray Cabdi Kariin Dhalac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here