Home wararka Dalka Ciidamadii Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka itoobiya oo ka baxay deganka kaxandhaale...

Ciidamadii Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka itoobiya oo ka baxay deganka kaxandhaale ee gobolka galgaduud ee galmudug”

0
SHARE

Ciidamadii Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka itoobiya ayaa faarujiyay deegaanka kaxandhaale bariga gobolka galgaduud ee galmudug”

Kabixitaanka ciidanka waxaa noo xaqiijiyay dadka deegaanka kaxandhaale oo sheegaya in wixii ka danbeeyay isbadalkii maamulka DDSI oo xilka uu baneeyay madaxweynihi hore cabdi maxamed cumar ciidamada liyuu boolis ee ku sugnaa muddo sanado ah deegaanka kaxandhaale ee waqooyiga galgaduud bilaaabeen iney iskaga huleelaan”

Mid ka mid ah dadka aan qadka telfoonka kula hadlay Warbaahinta Mudug24.com ayaa yiri “Saraakiishii hogaanka u heysay ciidanka liyuu booliska oo waxay daad guriyeen dhamaan wixii saanad milatari oo hub iyo gaadiid ah ee saldhigyada xuduudaha aaga kaxandhaale.

waxaana tilaabadan soo dhaweeyay dadka deegaankaas oo u arka iney culeys laga dul qaaday kaasi oo laga dareemayay Deegaankaasi.

dhibaato isku jirta dil barakac iyo burburin hanti ayay liyuu boolis ugeysteen dadka xoolo dhaqatada ah ee aaga kaxandhaale,miri cawleed,deeqlo oo hoos taga degmada galinsoor gobolka galgaduud ee galmudug.

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here