Home Wararka Maanta Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Booqday suuqa Bakaaraha Arin Cajiib ahna...

Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Booqday suuqa Bakaaraha Arin Cajiib ahna Ka Sameeyey(Sawiro)

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashid Xaaji oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa maanta booqasho ku tagay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo inta badan madaxda dowladu aysan ku dhiiran iney tagaan sababo la xiriira amniga.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalayey xaaladda ganacsiga Suuqa oo ah kan ugu weyn geeska Afrika, waxayna wada sheekeysi la qaateen qaar ka mid ah ganacsatada iyo dadka ka adeegta Suuqa.

Waxay kormeereen qeybaha kala duwan ee suuqa oo ay ka xog-waraysteen xaaladdooda iyo sida uu u shaqeeyo  waxaana ay warbixinno ka dhageysteen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.

“Maanta waxaan kasoo dukaameysaney Suuq weynaha Bakaaraha anagoo u kuurgaleeyno xaalada ganacsatada suuqa, waxaana gacmo furan nagu soo dhoweeyey ganacasatada oo aad ugu farxey iney isku furmeen Wasaaradooda iyo iyagoo si toos ah suuqa ugu soo booqatey, madaxada kala gadisan ee Wadada Maka Al Mukarama kaliya ka dukaameysta kaalaya Bakaaraha wax walba waa ka raqiisan yihiine ayey nasoo fareen ganacsatadii aan soo aragney  intaas waxaa dheer qado raqiis ah caafimaad badan Cabuulo Galeey Digir iyo Macasaro koob shaah Cadeys ah waa wax hal doolar ka yar, Bakaaro waa tagey Cabuulo masoo cunin malagaa yeelayo ayaa leygu dhahay sidaas darteed maanta iyo maalmo kale waa ku qadeyn doonaa inshaa Allah Suuqaa Bakaaraha Allaoow Barakeey, ugu dambeyn Ciidan Amaanka ayaa u mahad celinayaa oo suuqa ka dhigey meel madax iyo shacab ka wada adeegan karaan” ayuu yiri Wasiir dowlaha ganacsiga Cusmaan Daallo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji ayaa isna ku yiri qoraal uu soo saaray “Waxa aan maanta booqasho iyo dukaamaysi u tagnay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo aanu u kuurgalnay xaaladda ganacsiga iyo sida habsamida leh ee uu halkaas uga socdo ganacsigu iyada oo aanu booqanay qeybaha kala duwan ee suuqa. Suuqa Bakaarahu waa suuq ka mid kuwa ugu waaweyn wadamada Geeska Afrika, waxaana ka socda ganacsi baaxad leh oo ay ku xidhan yihiin gobalo badan iyo wadamo oo jaarka ah”

Suuqa Bakaaraha ayaa muddo dheer waxaa uu ka mid ah ahaa goobaha ugu amaanka xun magaalada Muqdisho, iyadoo Suuqa ay muddo badan ku xooganayeen dableyda Al-shabaab ee sida gaadmada ah wax u dila kuwaasoo ugaarsanayey askarta iyo dadka dowlada u shaqeeya ee Suuqaas yimaada.

Masuuliyiinta dowlada sida wasiirada iyo madaxda kale ayaan looga baran iney tagaan suuqaas, kuna dhex lugeeyaan, iyadoo Suuqa iyo nawaaxigiisa muddo badan lagu shaabadeyn jiray Al-shabaab. talaabadan ayaana loo arkaa in wasiirada ay ku muujinayaan in amaanka Suuqa ay wax badan iska bedeleen.

Ad
Previous articleSafiirka Soomaaliya U Fadhiya Dalka Sacuudiga Oo Sabab Yaab leh isku Casilay
Next articleCiidamada Ciiltire oo Muqdisho ku qabtay Khamri iyo rag lagu tuhmayo Shabaabnimo (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here