Home wararka Dalka (Akhriso) imisa Wasiir oo ka Tirsan Dowlada soomaaliya oo Haysata Dhalasha Dalka...

(Akhriso) imisa Wasiir oo ka Tirsan Dowlada soomaaliya oo Haysata Dhalasha Dalka Canada (Sawiro).

0
SHARE

Mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed ka muuqday.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Arrinta kale oo layaabka ayaa ah inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Canada, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraalka laguma safray Sacuudiga ka soo baxay Wasaaraddiisa.

Haddaba akhriso xubnaha Wasiirada ee heysta dhalashada dalka Canada:-

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad
2- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac
3- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil
4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae
5- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan
6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin
7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre
8- Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen, 9 Senator iyo Xildhibaano Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here