Home Wararka Maanta DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo La Dhacay Muqdisho

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo La Dhacay Muqdisho

0

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah oo uu ka dhacay xerada militariga Jeneraal Dhegobadan ee magaalada Muqdisho.

Xerada, oo horey loogu yaqaan xero nacnac, ayaa lagu tababaraa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo horey qaraxyo ula beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof naftii hallige ah, mana cadda haddii uu ka dhacay gudaha xerada iyo in lagu dhuftay bannaanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayey ku sheegatay qaraxan, oo ay ku tilmaameen “howlgal guuleystay” oo ay uu fuliyey dagaal-yahan ka tirsanaa kooxda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan qaraxa.

Ad
Previous articleTodoba qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Talyaaniga
Next articleWarar Dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here