Wararka ka imaanaya isgooska SOS ayaa sheegaya in sedex qarax laga maqlay,kaasi oo lala eegtay ciidamada AMISOM oo marayay Nawaaxiga isgooskaasi.
Dadka Degaanka ayaa sheegaya in ay hada maqlayaan rasaas xoogan oo ay furayaan ciidamada AMISOM ee Qaraxa lala eegtay,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaal toos ah uu ka socdo goobta.
Waxaana jira Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah.